Animation

Madaxweyne Xasan oo maanta ka qeyb galaya Bandhiga Carwo ku taala Magaalada Milano.

no responses
Thursday September 3, 2015 - 8:52 under Somali News by admin
mqdefault

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo oo Xalay gaaray Magaalada Milano ee Wadanka Talyaaniga ayaa maanta waxaa uu ka qeyb galayaan Bandhiga Cawro ku taalla Magaaladaasi.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in uu Qodbad ka jeediyo Bandhiga Carwada Caalamigaa,iyadoo Sanadkaan uu yahay mid Soomaaliya lagu Casuumay,waxaana Soomaaliya ay halkaa geyn doontaa Waxyaabaha ay ku Faanto sida Dalagyada ka baxa dalka iyo  Waxyaabaha kale ee dhaqanka ah.

Afhayeenka  Madaxweynaha Soomaaliya Daa’uud Aweys ayaa sheegay in sidoo kale Bandhiga Carwada Magaalada Milano ay Soomaaliya  ku soo bandhigi doonto Fursadaha Maalgashi ee Wadanka Soomaaliya ka banaan .

Sidoo kale waxaa jiri doona Company-yo Soomaali ah oo ka qeyb gali doona Bandhiga Carwada si ay dhankooda u geeyaan Figrado ku aadan dhanka Maalgashiga.