Somali News

Madaxweyne Xaaf oo xilkii ka qaada.y wasiir ka tirsan Maamulkiisa

Wareegto kasoo baxday Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa xilka looga qaaday Wasiirkii wasaarada Qorshaynta maamulka Galmudug Cabdikaafi Maxamed Maxamuud.

Madaxweyne Xaaf ayaa ku wargaliyay dhamaan Hay’adaha kala duwan dowlada  iyo cidii la shaqayn jiray wasiirka Qorsheynta ee xilka laga qaaday in hadda ka dib aysan wax shaqa ah dhex marin.

Wasiirka xilka laga qaaday oo sidoo kale xubin ka ah Guddiga qaban qaabada shirkada Dib u heshiisiinta Galmudug ayaa khilaaf ka dhax abuuray guddiga dhaxdiisa, waxa uuna horey u sheegay Wasiirkan in shirka gogoshiisa taalo Dhuusomareeb uu fashilmay.

Lama oga wasiirkan xilka laga qaaday in uu kasii mid ahaan doono xubnaha guddiga qaban qaabada uu ka ahaa Xoghaye iyo in sidoo kale guddiga laga saari doono maadaama uu ka dhax abuuray xasarad.

Related posts

Madaxweynaha Somaliland oo kulan la qaatay Hogaamiyaasha labada Xisbi Mucaarad ee Somaliland

Ahmed sudani

Madaxweynaha Dalka Koonfur Afrika Zuma oo Deg Deg looga Dalbaday in uu iscasilo

Sakariye Sakariye

Deg-Deg: Rasaas Xoogan oo Gowr Dhaw laga maqlay Qaybo ka mid ah Magaalada Caabudwaaq

admin