Somali News

Madaxweyne Xaaf oo ka hadlay magacaabista Gudiga farsamada doorashada Maamulka Galmudug

Madaxweynaha Galmudug, Mudane Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa ka hadlay guddiga farsamada maamul dhisida Galmudug ee ay xalay ku dhawaaqday wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Ugu horreyn Xaaf ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo guddigaasi oo ka kooban illaa 13 xubnood oo matalaya beelaha maamulkaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu la shaqeyn doono guddiga farsamada, si loo dhiso Galmudug oo loo dhan yahay.

Madaxweyne Xaaf ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka in ay la shaqeeyeen guddiga, si looga mira dhaliyo dadaallada lagu doonayo Galmudug oo mid ah.

Ugu dambeyn wuxuu ka dalbaday xubnaha guddiga ee la magacaabay inay si hufan u gutaan waajibaadka shaqo ee loo igmaday.

 

Related posts

Imaaraatka Carabta oo mucaawino aad u wanaagsan gaarsiiyey Kismaayo.

admin

Axmed Madoobe oo dalbaday Wadahadal iyo Heshiis uu la gaaro dowlada federaalka.

admin

Top News: RW CCC Sharmarke iyo Weliba sidoo kale Hogaamiye Ahmed Maddobe oo Kismaayo ku kulmey

admin