Somali News

Madaxweyne Trump oo hanjabaad culus duldhigey go,aankii Barlamaanka Ciraaq shuruudna ku xiray ka bixitaanka …

Dowlada Mareykanka ayaa ka carootay qaraarkii ay shalay ansixiyeen Baarlamaanka dalka Ciraaq oo lagu farayay ciidamada Shisheeye ay ku jiraan kuwa Mareykanka ee jooga gudaha dalkaasi in ay isaga baxaan.

Madaxweynaha dalka Mareykanka, Donald Trump , ayaa ku hanjabay in cunaqabateyn adag kusoo rogi doono dowlada Ciraaq hadii la dhaqan galiyo qaraarkii ay shalay meel mariyeen Baarlamaanka Ciraaq.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha dalka Mareykanka in saldhiga ciidamada cirka ee Mareykanka ku leeyahay dalka Ciraaq dhismihiisa ku baxday lacag gaareysa balaayiin Dollar .

Madaxweyne Trump ayaa shuruud uga dhigay dowlada Ciraaq in marka hore bixiso lacagta balaayiinta dollar ee Mareykanka uga baxday dhismaha saldhigaasi milatari ee ku leeyihiin gudaha dalka Ciraaq.

Qaraarka Baarlamaanka Ciraaq ansixiyeen ee ciidamada Mareykanka iyo kuwa shisheeye looga saarayo dalkaasi ayaa jawaab u ah dilkii Mareykanka u geesteen Hogaamiyihii ciidamada Kacaanka ee Qudus ee lagu dilay magaalada Bagdaad.

Related posts

Muuqaal: Daawo Qaabkii Ay U Dhacdey Xafladii lacag wareejinta Isbitaalka Jaale Siyaad Garbahaarey

admin

Baarlamaanka oo ku dhegan Laamaha Amaanka & Dhacdadii Soobe oo Su’aalo la iska Weydiinayo

admin

Sawirro: Thabit Cabdi oo Turkiga ku booqday Bukaanada uu Caafimaad ah ugu soo qaaday Turkiga markuu xilka haayay

admin