
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa baajiyay booqashadii la sii qorsheeyay ee uu ku tagi lahaa UK bisha Feebaraayo, wuxuuna sheegay in uusan “taageeraysanayn” safaaradda cusub ee Maraykanku uu ka dhistay London, taasoo la qorsheeyay in uu isagu furo.
Madaxweynaha Maraykanka ayaa la filayay in uu furo safaaradan cusub oo ay ku baxday hal bilyan oo doolar, taas oo uu qorshaheeda lahaa madaxweynihii ka horreeyay ee Barack Obama, Trump ayaana ku tilmaamay in fikraddaasi ay ahayd mid xun

Hadda waxaa laga yabaa in munaasabadda furitaanka uu ka qaybgalo wasiirka arrimaha dibadda ee Maraykanka Rex Tillerson badalkii madaxweyne Trump. Trump ayaa aqbalay casuumaad ay u fidisay boqoradda Ingiriiska ka dib markii Ra’iisulwasaaraha Britain Theresa May ay booqasho rasmi ah ku tagtay Maraykanka sannadkii hore.
Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Britain ee Downing Street ayaa diiday in uu ka hadlo baajinta booqashada Trump ee UK. Trump ayaa Twitter-ka ku soo qoray in uusan ku faraxsanayn in maamulkii Obama uu gaday safaaraddii hore ee Maraykanka ayna ku badasheen
Wuxuu sheegay in dhismaha cusub ee Vauxhall ee Koonfurta London in ay “durugsan tahay” wuxuuna intaas ku daray “Ma inaan xariga ka rajaad rabtaan, Maya!
Xafiiska Ra’iisulwasaaruhu uu qorshaynayo in booqashadaas loo wareejiyo dhammaadka sannadkan, si Trump uu markaas xariga uga jaro dhismaha boqoradda ee Buckingham Palace.
Safaaradda cusub ee Mareykanka ka dhistay London ayaa waxaa ku baxday lacag dhan £750m (1.2) Bilyan oo doolar, waxayna noqotay mid uu Trump u sabab u dhigto joojinta socdaalkiisii dalka Ingiriiska oo markii hore dad badan ay ka horjeedeen.
Laakiin wali ma jirto maalin khaas ah oo la calaamadiyay, Maraykankuna sidoo kale wali ma uusan calaamadinin taariikhda booqashadaas.