Somali News

Madaxweyne Trump oo amray dilka sargaal sare oo katirsan ciidanka Iiraan

Telefeshinka Ciraaq ayaa shaaciyey dilka Qaasin Suleymaani taliyihii ciidanka Illaalada shacabka muddo dheerna ahaa hoggaamiyihii ciidanka Illaalada Kacaanka Iiraan iyo ku xigeenkii hoggaamiyaha ciidanka Illaalada Shacabka Abuu Mahdi Muhandas,  Qaasin Suleymaani iyo Mahdi Muhandas ayaa kudhintay duqeyn kadhacday garoonka ama gegida diyaaradaha ee Baqdaad.

Sida ay Sheegtay waaxda Warfaafinta Nabadgelyada Ciraaq 3 gantaal oo ah nuuca Katyusha oo kudhacay garoonka caalamiga ah ee Baqadaad ayaa sababay dhimashada labada sargaal ee katirsan Millateriga Iiraan iyo dad kale oo la joogay.

Il xogeed oo katirsan Waaxda Warfaafinta Ciidanka Nabadgelyada Ciraaq ayaa xaqiijiyey in isna Maxamed Jaabir madixii xiriirka ciidanka illaalada shacabka ee Iiraan lagu dilay duqeyn lala beegsaday laba gaari oo kusugnaa garoonka Baqdaad.

Axmed Asaddi Af-hayeenka ciidanka Illaalada Shacabka ayaa u sheegay Wakaaladda Warfaafinta ee Reuters in cadowga Mareykanka iyo Israil ay qaadayaan mas’uuliyadda dilka Qaasin Suleymaani iyo Mahdi Muhandas.

Aqalka cad ee Mareykanka ayaa shaaciyey dilka Qaasin Suleymaani iyo Mahdi Muhandas, sida ay AFP sheegtayna Madaxweyne Trump ayaa amray duqeynta lagu dilaya labada Sargaal oo xilal sare ka hayey ciidanka Illaalada shacabka iyo ciidanka Illaalada kacaanka.

Mohammad Javad Zarif Wasiirka Arrimaha dibadda Iiraan ayaa ku qoray boggiisa Twitter:
Aragagixisada caalamiga ah ee Mareykunku waxa ay beegsatay oo dishay Qaasin Suleymaani oo ahaa madaxa ciidanka ugu waxtarka badan ee la dagaalanka Daacish (Alnusra) dilkaasi waa arrin aad halis u ah.
Mareykanku waxa uu dhabarka u ridan doonaan dhammaan mas’uuliyadda cawaaqita kadhalata qar iskatuurnimadaas aan loo meel deyin

Related posts

TOP NEWS: Gudiga Doorashooyinka Ururka Saxafiyiinta NUSOJ oo la Magacaabay iyo Doorashada oo dhici doonto Maalinta ….

admin

Top: Dhismaha Darbiga Kenya ee Xuduuda oo la shaaciyay in la joojiyay + Jubbaland oo ka hadashay 

admin

WARBIXIN: Akhriso K24 Oo Idin Soo Koobeysa Taarikhda Musharax RW CCC Sharmarke, Iyadoona………………..

Tifaftiraha K24