Animation

Madaxweyne siilanyo oo xaaskii Cigaal u magacabay in ay Somalia….

no responses
Tuesday July 25, 2017 - 8:03 under Breaking News by admin
mqdefault

Dr Adna Aadan oo ahayd xaaskii hore ee AUN ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Ibraahim Cigaal ayaa loo magacaabay in madax ka noqoto wafdiga Soomaaliland ee u qaabilsan arrinta wada hadalka Soomaaliya kala dhaxeeya.

Adna oo marwada koobaad ee Soomaaliland mar soo noqotay ayuu Siilaanyo u gartay in ay tahay qof ku wanaagsan booskaas, islamarkaana ay awoodo in ay kasoo dhalaasho.

Wada hadallada u dhaxeeya Soomaaliland iyo Soomaaliya ayaa dib loo ambaqaadi doonaa dhawaan, labada dhinac ayaa yeelan doona shir fool ka fool ah.

Dhanka Soomaaliland sida wareegto kasoo baxday xafiiska madaxwayne Siilaanyo lagu sheegay waxaa hoggaamin doonta Drs Adna Aadan oo da’ ahaan aad u wayn sidoo kalena khibraddeeda shaqo iyo midda siyaasadeed ay tahay mid isku dheeli tiran.