Animation

Madaxweyne Siilaanyo oo ka waramay kulan uu la qatay Cali Khaliif Galayr.

2 responses
Saturday November 5, 2016 - 3:45 under Somali News by admin
mqdefault

Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa Faah faahin dheeraad ah ka bixiyay kulan gaar ah uu kula yeeshay Magaalada Adis Ababa Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galayr.

Siilaanyo oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in labada dhinac ku heshiiyeen in la sii wado wada hadaladii u dhexeeyay, waxa uuna tilmaamay in kulanka uu la qaatay Cali Khaliif ay kasoo baxeyn wax dan u ah labada dhinac..

“ Intii aannu ku sugnayn magaalada Addis Ababa, waxaanu la kulannay Madaxda Khaatumo oo uu hoggaaminayey, Dr. Cali Khaliif Galayr. Waxaanu kulankaa ku heshiinnay in la sii amba qaado wada-hadalladii labada dhinac ee hore la isula qaatay.”

Madaxweynaha Maamulka Somaliland wuxuu intaa ku daray inay cali khaliif Galayr ku heshiiyeen in 17 Bishan Nofeember 2016 ay ku kulmaan mar kale magaaladda Adis-ababa ee caasimada dalka Itoobiya.

“Waxaannu ku heshiinay in wada-hadalku ka dhaco Caasimadda dalka Ethiopia ee Adisababa. Arrimahaan Faah-faahintooda waxaannu kaga hadli doonna War-saxafadeed Maalinta Sabtida soo baxaya,” ayuu yiri Siilaanayo.

Madaxweynaha Soomaaliland ayaa sidoo kale sheegay in 29 bishii hore uu kullan la yeeshay Ra’isul Wasaaraha Ethiopia Xayla Maryam Disalim, kaasi oo kaga wada hadleen xiriirka saaxibtimo ee u dhexeeya, ka-wada-shaqaynta nabadgelyada xuduudaha iyo arrimo kale oo farabadan.