Somali News

Madaxweyne Qoor Qoor oo Shaaca kaqaadey qaabka lagu dhameyn karo.

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor oo maalmihii lasoo dhaafay kulamo ka weday deegaanada maamulkaas ayaa ka hadlay khilaafka siyaasadeed iyo qaabka lagu dhameyn Karo.

Waxa uu sheegay in khilaafka ka dhashay doorashada maamulka Galmudug iyo kala aragti duwanaanshaha lagu dhameynayo wadahadal iyada oo lala kaa shanayo Odayaasha dhaqanka iyo Siyaasiyiinta Galmudug.

Doorashada Galmudug ayaa waxaa ka dhashay khilaaf Siyaasadeed iyada oo dhowr madaxweyne lagu dooray deegaanada maamulkaas,waxaase balan qaaday arrintaan in la dhameynayo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor.

Dowladda Soomaaliya ayaa tan iyo bilowgii dhismaha Galmudug waxa ay sheegtay in la dhisayo Galmudug loo dhanyahay,inkasta oo doorashada Qoor-qooq ay aqoonsatay dowladda fedraalka Soomaaliya iyo maamul gobaleedyada.

Related posts

Akhriso: Magacyada iyo Deegaanada ay ka soo jeedaan Dhalinyaro Soomaliyeed oo Mudo ku xiran Xabsiyada Wadanka Hindiya

Tifaftiraha K24

Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda Soomaaliya oo ku dagaallamay Gobolka Bakool

Ahmed sudani

Madaxweyne Cabdweli Gaas oo Xafiiskiisa ku qaabilay maanta Madaxa Hay’ada Relief International (Sawiro)

admin