Somali News

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Maanta Xilka Qaadis Iyo Magacaabis Sameeyay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadahoodu yihiin SL/XM/XKQ/222/1-387/122019 iyo SL/XM/WM/222-388/122019 uu xilka qaadis iyo magacaabid ku sameeyey xubno ka mida golaha wasiirada.

Wareegto Madaxweyne

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis

Ku: Cabdirisaaq Cali Cabdi Saalax

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Cadaaladda;

Ku: Cabdiraxiim Cismaan Xaaji Cabdi (Shibbiin)

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka

Ku: Cismaan Aadan Jaamac

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska

Ku: Xuseen Ibraahim Xasan Buuni

Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka.

Ku: Cabdiqaadir Maxamuud Sh. Muxummed Warsame

Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda

Sida aad la socotaan, xilka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hannan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalka aad hayseen ee kor ku xusan.

Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalka Qaranka.

Ujeeddo: Magacaabid

[Markaan Arkay: Dastuurka Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:

  1. Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka.
  2. Axmed Maxamed Diiriye Cige Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska.
  3. Siciid Sulub Maxamed Xuseen Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga.
  4. Saleebaan Yuusuf Cali Koore Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka.
  5. Maxamed Muuse Diiriye Wacays Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha.
  6. Mustafe Maxamuud Cali Bile Wasiirka Wasaaradda Caddaalada.
  7. LiibaanYuusuf Cismaan Xuseen Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.
  8. Cabdiqaadir Cumar Jaamac Maxamed Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka.
  9. Mahdi Cabdillaahi Cismaan Maxamed Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.
  10. Muuse Ibraahim Yuusuf Salaf Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda.
  11. Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinka.

Related posts

Puntaland oo garacday hiiraan iyo shabelle dhexe final kana u so baxday. 1-0

admin

Hey’adda qaxootiga adduunka ee UNHCR oo war cusub ka soo saartay qaxootiga soomaliyeed ee xeryaha dhadhaab laga soo celinaayo

Tifaftiraha K24

Daawo: Galmudug oo maanta shaacisay xiliga kama dambeysta ah ee ay dhici doonto doorashada madaxweynaha galmudug

Tifaftiraha K24