Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo oo maanta furaya kalfadhiga 3aad ee Baarlamaanka

0

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in uu maanta furo kalfahdiga 3aad ee labada aqal ee Baarlamaanla Soomaaliya.

Sida uu qabo dastuurka Soomaaliya Madaxweynaha ayaa furaya kalfadhi kasta oo ay yeelanayaan Golayaasha Baarlamaanka Dalka.

Madaxweynaha ayaa khudbad ka jeedin doona furitaanka kalfadhigan,waxaana si gaar ah isha loogu wadahayaa in Madaxweynuhu ka hadlo mowqifkiisa la xiriira Heshiiska Dekadda Berbera iyo faragelinta dowladda Imaaraadka ku heyso madaxbanaanida Soomaaliya.

Warbaahinta Imaaraadka ayaa daabacaya maqaallo ay ugu gefayaan Madaxweynaha iyaga oo ka careysan go’aanka dowladda Soomaaliya ee sharci darrada ka dhigay heshiiska ay kula wareegayeen dekadda Magaalada Berbera.

Dhamaan xubnaha labada aqal ayaa ka qeybgalaya fadhiga furitaanka Golaha Baarlamaanka iyada oo ay Xildhibaannada ka soo laabteen fasax saddex bilood ka badan qaatay oo ay galeen dhamaadka Sanadkii hore.