Somali News

Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Galmudug oo loo doortay..

Waxaa goordhaw Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka Galmudug magaalada Dhuusomareeb ku doorteen Madaxweyne kuxigeenka Maamulka maamulkaasi kadib doorasho xiiso badan oo dhacday.

Doorasho adag oo xamaasad leh oo ay isugu soo hareen wareega labaad labo Musharax ayaa ugu dambeyn waxaa ku guuleestay xilka Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid oo helay 46-cod halka Musharax Cabdiqani Sh Cali diini isna helay 31-cod .

Maamulka Galmudug ayaana maanta yeeshay Madaxweyne iyo Madaxweyne kuxigeen ay aqoonsan tahay raalina ka tahay dowlada federaalka Soomaaliya, waxaana horey xildhibaanada maamulkaasi u doorteen Gudoonka Baarlamaanka Galmudug.

Dhismaaha maamulka Galmudug oo mudo dheer  soo jiitamayay ayaa ugu dambeyn yeelatay Madaxweyne ,Madaxweyne kuxigeen iyo Gudoon Baarlamaan, waxaana la filayaa in dhawaan Madaxda cusub ee Galmudug lagu caleemo saaro magaalada Dhuusomareeb.

Doorashan maanta ka dhacday magaalada Dhuusomareeb ayaa kusoo aadeysa xili horey Sheekh Shaakir Cali Xasan iyo Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyana sheegteen in ay yihiin Madaxda saxda ah ee maamulka Galmudug.

Related posts

Top News: Xildhibaan Cabdisamad amaanka Muqdisho faraha ayuu ka baxay.

admin

Duqa Muqdisho oo Casuumaad u fidiyey Duqa Caasimadda Jabuuti ee Dalka Jabuuti

Ahmed sudani

Daawo : Halkaan Baydhabo Janaaydii aad Sanado ka hor Taqiinay ma ahan Tollow Maxaa ka Cusub Hee?????

Tifaftiraha K24