Animation

Madaxweyne kuxigeenka Dowlada Galmudug oo Cadaado ka daah furay tababar lagu baranayay Dowlad wanaaga oo loo qabtay maamulada degmooyinka Galmudug

no responses
Sunday October 2, 2016 - 10:45 under Somali News by admin
mqdefault

 

Waxaa maanta magaalada Cadaado oo ah Caasimada ku meelgaarka ah ee Galmudug lagu qabtay samanaar lagubaranay maamul wanaaga isla markaana looqabanayay Maamulada Degmooyinka Galmudug ayaa waxaa kaqeybgalay Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xashi Cabdi  , wasiiru dowlaha wasaarada arimaha gudaha iyo dowladaha hoose Cumar Maxamed Diiriye Agaasimaha Guud ee madaxtooyada Galmudug iyo dhamaan gudoomiyasha degmooyinka .

Ugu horeeyn shirka waxaa ka hadlay wasiiru dowlaha wasaarada arimaha gudaha iyo dowladaha hoose Cumar Maxamed Diiriye asigoona sheegay in ay maanta farxad gooni ah utahay Galmudug maadaama ay maanta intaan oo kawada tirsan maamulka Galmudug ay mudo sadaxmaalin ah ay wada joogi doonaan magaalada cadaado waxaanse aaminsanahay in ay waxbadan kala faa’iidi doontaan.

Ugu danbeyntii waxaa munasabada ka hadlay Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xashi Cabdi asigoona sheegay in maanta Galmudug horay loo dhaqaajiyo meelaha waxkasta kahagaagayaana ay tahay in maamulada labaro dowlad wanaaga islamarkaana lagubaahiyo tuulooyinka si ay waxkasta isu kabaan.

Waxaana dowladu ku hoolantahay sidii kor loogu qaadinlahaa Maamulada degmooyinka dhankasta amaanka cadaalada , waxbarashada, hormarinta degaanada iyo tayeeynta maamulada degmooyinka iyo Gobolada, madaxweyne kuxigeenka ayaa sirasmi ah u daahfuranka samanaarkaan isla markaana kula dardaarmay in si hufan looga faa’iideysto .

1 14397313_10206019141756417_849860874_n 14527666_10206019143236454_687476041_n 14542730_10206019142036424_1726060097_n 14543354_10206019143316456_1672624553_n 14568952_10206019143036449_2138830477_n 14569072_10206019142236429_1873733104_n 14569187_10206019143476460_944813382_n 14569624_10206019143676465_1068516110_n-1 14569624_10206019143676465_1068516110_n