Animation

Madaxweyne Guuleed oo Magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Mudug Iyo Kuxigeenadiisa

no responses
Monday November 9, 2015 - 12:31 under Somali News by admin
mqdefault
Spread the love

K24- Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa xalay Maamul cusub u magacaabay Gobolka Mudug, kadib munaasabad ka dhacday magaalada Galkacyo.
Wareegto ka soo baxday Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa Guddoomiye iyo Guddoomiye kuxigeeno loogu magacaabay Gobolka Mudug.
Munaasabada lagu shaacinayay wareegtada ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiiro ka tirsan Galmudug, Xildhibaano, Madaxweynihii hore ee Galmudug, Siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Mudug ayaa loo magacaabay C/rashiid Xaashi Cartan, halka Kuxigeenadiisa ay kala yihiin Cabdi Xuseen Sheikh Ahmed oo loo magacaabay Gudoomiye Kuxigeenka Arrimaha Siyaasada iyo Amniga, Ahmed Maxamed Shire Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iy Maaliyadda, Maxamed Ali Adan Gudoomiye Ku-xigeenka Arimaha Bulshada.
Guddoomiyaha cusub ee gobalka Mudug C/rashiid Xaashi Cartan oo munaasabada ka hadlay ayaa ugu mahadceliyay Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed xilka uu magacaabay, waxaana uu ugu baaqay bulshada reer Mudug inay kala shaqeeyaan sidii loo hormarin lahaa gobalkaan.
Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo gaba-gabadii xaflada ka hadlay ayaa sheegay inuu Karti iyo Aqoon usoo xushay Mudane C/rashiid Xaashi Cartan inuu noqdo Guddoomiyaha gobalka Mudug, isagoo kula dardaarmay inuu Bulshada gobalka Mudug ugu shaqeeyo si howl-karnimo iyo daacadnimo ay ku dheehan tahay.
Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa Guddoomiyihii hore ee gobalka Mudug Aways Cali Siciid ku ammaanay iuu wax badan ka qabtay arrimo ay ka mid tahay ammaanka magaalada Gaalkacyo, waxuuna Guddoomiyaha cusub uu tilmamay in ay hor taalo shaqo adag oo loo baahan yahay in uu wax badan ka qabto.

Nagala sooxiriiri
Email: ireportk24@gmail.com

Facebook Comments