Madaxweyne Gaas oo Wasiiradiisa kala hadlay la dagaalanka Al-Shabaab iyo Daacish.

0

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo shir gudoomiyay kulan gaar ah uu la qaatay Golihiisa Wasiirada ayaa kala hadlay Sidii ay u hogaamin lahaayeen Dagaalka ka dhanka Al-Shabaab iyo Daacish ee ka socda Deegaanada Puntland.

Wasiirada ayaa la shaqeyn doona Saraakiisha Ciidamada Hogaamineysa sida ilo wareedyo ku sugan Puntalnd ay Mustaqbal kasoo xigatay, ujeedka ayaa ah in Ciidamada Maamulka Puntland lagu dhiira-geliyo dagaalka.

Dhulka Buuraleyda ah ee Puntalnd waxaa ku sugan Al-Shabaab iyo Daacish, waxa ayna Weeraro ka geystaan Deegaanada Maamulkaasi, gaar ahaan Gobolka Bari.

Kulanka Madaxweyne Gaas iyo Wasiirada kadib ma jiro Mas’uul la hadlay warbaahinta, waxa uuna ahaa kulan qarsoodi ah laguna falanqeynayay arrimo Xasaasi ah sida ilo wareedyadu sheegayaan.

Maamulka Puntland ayaa dagaalo kula jira Al-Shabaab iyo Daacish, iyagoona Garab ka hela Diyaaradaha Reer galbeedka oo badi duqeeya goobaha ay ku sugan yihiin Saraakiisha Al-Shabaab iyo Daacish iyo Xeryaha ay dhalinyarada ku tababartaan.