Madaxweyne Gaas oo Shir gudoomiyay shirka Golaha Wasiirada Puntland

0

Shirkii Golaha Xukuumadda Puntland oo uu shir-guddoominayay Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa looga hadlay Amniga Puntland iyo Xaaladda Abaaraha Puntland.

Golaha xukuumadda Puntland ayaa caddeeyay in amniga Puntland uu wacan yahay guud ahaan marka laga reebo weeraro mararka qaar Shabaab ay ka geystaan degaanada Puntland, kuwaasi oo Goluhu uu sheegay in shacabka ay dhibaato ka soo gaarto.

Golaha Wasiirada ayaa maanta si dheer uga dooday xaaladda Abaaraha ee ku soo jawahan Puntland, waxayna goluhu caddeeyeen in Puntland ay ku sii siqeyso waqtiyadii adkaa ee Abaaraha, waxaana hadda ay saameyn ku samaysay Abaartu dad gaaraya 1.6 Milyan oo reer Puntland ah iyo 234 degaan oo ka kala tirsan 9 gobol ee Puntland, waxaana hadda gaaray xaalad adag 103.000 qoys, sidaa darteed loo bahan yahay in si wadajir ah loogu istaago xaaladaas haddii uusan allaah raxmadiisa shubin.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa golaha u sheegay in loo diyaar-garoobo xaaladda Abaarta, isla markaana la jiheeyo dhammaan qorsheyaasha wax looga qabanayo Abaarta.

Gaas ayaa u sheegay shacab weynaha Puntland gudo iyo dibed-ba in loo diyaar-garoobo xaaladda Abaarta haddii uu yaraado ama la waayo Roobka gugga ee la filayo haddii Allaah idmo, wuxuuna Madaxweynuhu iskugu yeeray Wasaaradaha u qaabilsan arrimahan iyo hay’adaha ka shaqeeya xaalada Bini’aadantinimadda Soomaaliya.