Madaxweyne Gaas “Dhibaatada kaliya ee ka jirta Qardho Waxay tahay isku dhacyada Beelaha”.

0

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo maanta tagay Magaalada Qardho waxa uu sheegay in hormar wanaagsan ay ka muuqato Magaalada.

Goobaha Caafimaadka, Amniga, Dhismaha iyo Dhismaha Jidadka Magaalada Qardho ayuu sheegay in ay dhismeen.

Magaalada ugu amniga Badan ee Deegaanada Puntland ayuu ku tilmaamay waa marka laga eego Dagaalada, Qaraxyada iyo Dilalka ka dhaca Magaalooyinka kale, sida uu hadalka u dhigay.

Dadka Qardho waxa uu ka dalbaday in ay ka shaqeeyaan Sugidda Amniga, iyagoo kaashanaya Ciidamada Ammaanka Puntland.

Isku dhacdyada Maleeshiyaadka Deegaanka waxa uu ku tilmaamay in ay tahay dhibaato muddo soo jiitameysay, iyadana aanan Xal rasmi ah laga gaari karin sida uu sheegay.

Ugu dambeyn waxa uu soo jeediyay in Magaalada lagu ballaariyo Deegaanada Miyiga ah oo uu sheegay in hadii ay Magaalada Balllaarato uu yaraanayo Cariiriga hadda ka jira.