Maqaalo iyo Warar Somali News Top News

Madaxweyne Farmaajo oo xiisadda Baarlamaanka kala hadlay Wasiiro iyo Xildhibaano

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya, waxaa uu kulan kula qaatay Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa kala hadlay Wasiiradda iyo xildhibaanada uu la kulmay sidii loo ilaalin lahaa dastuurka , islamarkaana sharciga loo marsiin lahaa Mooshinka laga keenay Guddoomiye jawaari.

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha uu u sheegay in loo baahan yahay in arinta lagu xaliyo si waafaqsan dastuurka iyo xeerhoosaadka Baarlamaanka.

Madaxweynaha waxaa uu sidoo kale xildhibaanadii iyo Wasiiraddii uu la kulmay uu u balan qaaday in uu si wadi doono xalinta Khilaafka siyaasadeed ee ka dhex taagan Golaha Shacabka.

Khilaafka ka dhex taagan xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sii xoogeystay, iyadoona hadda lagu muransan yahay halka lagu qaban doono cod u qaadista Mooshinka Guddoomiye Jawaari.

Related posts

Xuuthiyiinta yemen oo Gantaal ku tuuray Riyadh, Sacuudiga

gurey

Degdeg: Dableydii Weerartay beach Veiw ee Xeebta Liido oo ay wali gacanta ku haya Iyo dad badan oo weerarkaasi ku dhintay.

admin

Xasaasi: Akhriso Puntland oo si Cad u sheegtay in ay Burburisay Heshiiskii Imaaraadka Carabta kadib Markii ay….

Tifaftiraha K24