Madaxweyne Farmaajo Oo War Ka Soo Saaray Siyaasada Murugsan Ee Dalka

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo uu ka codsaday Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya inaan Shacabka lagala hadlin Warbaahinta si loo qaboojiyo xiisada siyaasadeed ee dalka uu ku jiro.

Madaxweyne Farmaajo ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in hadalo kulul oo eedeyn u badan la isla dhexmaro taasoo meesha ka saareysa xasiloonida siyaasadeed shacabkana ku abuuri karta rajo la’aan.

Madaxweynaha ayaa doonaya in marka khilaafkan la xaliyo Warbaahinta loo sheego go’aanka la isla qaatay inta ka sukeysa aanan lagu hadlin hadalo khalafsan oo qaranka gilgilaya.

Si kastaba ha ahaatee waxaan la ogeyn sida go’aanka Madaxweyne Farmaajo uu u dhaqan galayo, iyadoo xiisada u dhaxeysa Xukuumadda iyo Baarlamaanka ay mareyso meel xasaasi ah.