Somali News

Madaxweyne Farmaajo oo u dhoofay dal ka mid ah dalalka.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goor dhaw u ambabaxay dalka Cummaan si uu uga qayb-galo tacsida qaran ee u taalla shacabka iyo Saldanadda aan walaalaha nahay ee Cummaan.

Waa safarkii labaad ee Madaxweyne Farmaajo uu bil gudaheed ugu ambabaxo dalka dibadiisa,waxaana garoonka diyaaradaha Muqdisho kasii sagootiyey Mas’uuliyin ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Cumaan waxaa uu sidoo kale la kulmi doonaa suldaanka Cusub ee dalka Cumaan,kaas oo bedeley suldaankii geeriyoodey ee Suldaan Qaamuus Ibnu Siciid Ibnu Tamuur iyo Madax kala duwan oo halkaasi u tageysa tacsida qaran ee u taalla shacabka iyo Saldanadda  Cumaan.

Related posts

DEG DEG: Dagaal culus oo ka dhex qarxay Alshabaab iyo Ciidamada AMISOM ee ku sugan Dagmada……

Tifaftiraha K24

Daawo: Shir u dhaxeeya Dowladda Ferderaalka Maamul goboleed-yada Q.M iyo Beesha Caalamka oo Muqdisho ka dhacay

admin

Wasaarada Awqafta iyo Arimaha Diinta oo ku baaqday Maalmo Xiriir oo Banananbax Roob doon ah la sameeyo

admin