Madaxweyne Farmaajo Oo Sheegay in ay ka Go’an Tahay Dhawrista Xorriyadda Saxaafadda.

0

Iyadoo maanta loo dabaal degayo Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Caalamka, ayuu Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo waxa uu Hambalyo iyo Bogaadin u diray Suxufiyiinta Caalamka, gaar ahaan Suxufiyiinta Soomaalida.

Qoral uu Madaxweynuhu soo dhigay Barta uu ku leeyahay Twitter-ka ayuu ku sheegay inay Bogaadin badan u dirayaan Warbahinta Soomaalida, iyadoo ay maanta ku asteysan tahay Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Caalamka (World Press Freedom Day).

“Waxaad muujiseen Adkeysi iyo Ballanqaad ku adaan Hawshiina, xitaa aad ku hoos shaqeysaan Xaalladda Adag” ayuu Madaxweyne Framaajo ku yiri Bartiisa Twitter-ka.

Ugu dambeyntii, waxa uu Madaxweynaha DFS sheegay in Maamulkiisa ka go’an tahay Badbaadinta Xorriyadda Hadalka, oo ah Xuquuq ku dhowrsan Axdi-qarameedkeemma KMG ah.

Saxafadda Soomaaliya ayaa la kulanta dhibaatooyin badan oo dhanka xorriyadda Hadalka ah iyo sidoo kale dhabaatooyin dhanka ammaanka ah oo uga yimaada Dawladda iyo Kooxa ka soo horjeeda.