Madaxweyne Farmaajo oo Muqdisho ugu yeerey Madaxda Maamul Guboleedyada.

0

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa shaacisay mudada la qabanayo shirka gollaha amniga Qaranka, kaas oo dhex mari doonta madaxda ugu saraysa dowladda federaalka Soomaaliya iyo madaxweynayaasha dowladd goboleedyada ka jira gudaha dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa isugu yeedhay dhamaanba madaxweynayaasha dowladd goboleedyada oo iskugu imaan doona 19-ka bishani magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

Shirka ayaa soconaya muddo shan cisho ah, waxaana uu dhamaanayaa sida qorshuhu yahay 23-ka Bishan April oo loo asteeyey qabsoomidiisa.

La taliyaha dhinaca amaanka ee madaxweyne Farmaajo Cabdi Siciid Muuse ayaa bartiisa Twitterka ku sheegay in shirka gollaha amniga Qaranka uu ka dhacayo magaalada Muqdisho 19-ka ilaa 23-ka Bishan April.

Ajandaaha shirkan ayaa waxaa kamid ah adkaynta amaanka dalka, dhismaha ciidanka xoogga dalka, ka hortaga weerarada Al-shabaab iyo Daacish iyo xoojinta xidhiidhka dowladda dhexe iyo dowladd goboleedyada Soomaaliya.

Shirkan ayaa markii hore la qorsheeyey in dhamaadkii March uu ka furmo magaalada Garowe ee caasimada Puntland hayeeshee dibu dhac aan sababtiisa la shaacin ayaa ku timid, waxaana ay dowladda Soomaaliya iclaamisay in uu ka furmo gudaha Muqdisho.