Somali News

Madaxweyne Farmaajo oo Maanta ka dhoofay Garoonka Aadan Cadde Xageese ku wajahanyahay??

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi farmaajo ayaa maanta u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta, halkaasi oo uu kula kulmi doono madaxda dalkaasi.

Waxyaabaha ugu muhiimsan ee Madaxweyne Farmaajo iyo masuuliyiinta Imaaraadka ay ka wada hadli doonaan ayaa waxaa kamid ah in lagu tixgaliyo Soomaaliya go’aanka dhex dhexaadnimada ahaa ee ay ka qaadatay arrimaha Khaliijka, Fudadaynta howlaha la xiriira Socdaalka iyo dal ku galka iyo in Imaaraatka ay si toos ah uga qayb qaataan dagaalka Alshabaab.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Waa markii labaad ee uu socdaal ugu ambabaxo dalka Imaaraadka Carabta tan iyo markii la doortay.

Dowladda Soomaaliya ayaa xiligaan wada dadaal xoogan oo dalka looga xoreynayo Maleeshiyaadka Al-shabaab, waxaana taasi ay keentay in ciidamada xoogga ay howlgalo ka bilaabaan meelaha lagu tuhmayo in ay ku dhuumaaleysanayaan Maleeshiyaadkaasi.

Related posts

Dhagayso:- Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay Dacwada laga gudbiyay

Tifaftiraha K24

DEG DEG: Maxkamadda Cadaalada Caalamiga oo Go’aan ka gaartay Dacwada Badda ee u dhaxeysa Soomaliya iyo Kenya

Tifaftiraha K24

Ra’iisul Wasaaraha oo sheegay in Gaalkacyo ka laabanayaan markii Nabad la gaaro

admin