Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay Qaraxii Alshabaab saakay ku weerartay Dagmada Hodan

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamad C/llahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay qaraxii Alshabaab saaka ka geysatay Degmada Hodan, halkaas oo ay ciidan iyo shacab ku naf waayeen.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in shabaab aysan cidna kala sooceynin oo shacab iyo ciidanba uu isugu mid u yahay sidaas darteedna ay tahay in meel looga so wada jeesto.

Madaxweynaha wuxuu intaa ku daray in ciidanka ammaanka iyo shacabka ay u istaagaan cirib tirka kooxda alshabaab.