Madaxweyne Farmaajo oo Hambalyo u diray Xulka da’yarta Soomalia ee Usoo gudbay Final-ka koobka bariga iyo bartamaha Afrika

0

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Somalia mudane maxamed c/llahi farmaajo ayaa hambalyo u diray xulka qaranka soomalia ee da’doodu ka yartahay 17-jirrada kuwaasi oo galabta u gudbay Final-ka koobka CECAFA.

Madaxweynaha ayaa ku amaanay dedaalka ay sameeyeen da’yarka qarankeena isagoona u rajeeyay in koobka ay keenaan caasimadda dalka soomalia ee Muqdisho.