Somali News

Madaxweyne Farmaajo oo goordhaweyd uduulay.

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhaw ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Farmaajo iyo wafdiiisa ayaa u duulay magaalada Adis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya, waxa uuna dalkaasi uga qeyb galayaa shir Madaxeedka sanadlaha ah ee isugu yimaadaan madaxda wadamada ku bahoobay Midowga Afrika .

Madaxweynaha ayaa inta uu joogo Itoobiya la filayaa in kulamo la qaato madax kala duwan sidoo kale uu ka jeediyo shirka Khudbad uu uga hadlayo arimha Soomaaliya gaar ahaan guulaha iyo hormarada dowlada uu hogaamiyo gaartay.

Safarka Madaxweyne Farmaajo ku aaday dalka Itoobiya ayaa kusoo aadaya xili maanta ku beegan tahay 8-da bisha febraayo oo ah sadex sano guuradii kasoo wareegtay markii loo doortay xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Farmaajo ayaa sadaxdii sano uu hayay talada dalka waxa uu u baxayay safaro badan oo dalka dibadiisa, waxaana la tilmaamay in uuba ka safar badan yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya uu horey ugu eedeyn jiray in safaro micno daro ah u baxo.

Related posts

Daawo Muuqaal: Marwada Madaxweynaha Jabuuti oo Ficil ku dayasho Mudan ka Sameysay Magaalda Beledweyne Xili Dadka Halkaasi Ku Nool ay la dhibtoonayaan Fatahaada Wabiga

Tifaftiraha K24

Daawo: Axmad madoobe oo talo aan caadi aheyn usoo jeediyay maamulka soomaliland muxuuse ka…..

Tifaftiraha K24

Qiso Cajiib Ah Gabadhii Muslimada Aheyd Ee Uu Soo Doontay Ninkii Maal-qabeenka Ahaa Gaalkana Ahaa Xiligii Saxaabada..

admin