Madaxweyne Farmaajo oo goordhaw ka dhoofay garoonka diyaaraddaha aadan cadde( Xagee ku wajahanyahay?)

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi ballaaran uu hoggaaminayo ayaa goor dhaw u ambabaxay dalka Qatar, halkaas oo ay uga bilaabanayso booqasho rasmi ah oo labo maalmood ah.

Madaxweynaha ayaa kulamo la qaadan doona madaxda ugu sareeya dalka qadar oo uu marti qaad rasmi ah ka helay.

Socdaalka madaxweynaha waxaa ku wehliya wasiiro ay kamid yihiin Wasiirka Dakadaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya ,Wasiirka Caafimaadka iyo Wasiirka Qorsheynta oo wafdiga Madaxweynaha uga sii horeeyay Dalka Qadar.