Madaxweyne Farmaajo oo dib ugu laabtay Xafiiskii uu ka sameystay Wasaaradda Gaashaandhigga

0

Si loo dar dargaliyo howlaha ciidamada xoogga dalka iyo dhismahooda Madaxweyne Farmaajo wuxuu dib ugu laabtay Xafiiskii Uu ka sameystay xarunta wasaaradda gaashaandhigga isagoo halkaa howl maalmeedkiisa ku qaadan doono waxaana madaxweynaha ka go’an in la hubiyo daryeelka ciidamada xoogga dalka si loo helo quwad ciidan oo hanan karta guud ahaan Ammaanka dalka Soomaaliya.

Madaxweyne farmaajo oo balan qaaday xiligi uu musharaxa ahaa in ahmiyaddiisa koowaad siin doono dhismaha ciidamada qalabka sida ayaa tan iyo markii uu noqday madaxweynaha jamhuuriyadda wuxuu dar dar galin xooggan ku bilaabay nidaaminta ciidamada iyo hogaannkooda .

Madaxweynaha wuxuu amar ku bixiyay in hogaanka ciidamada qalabka sida loo dhiibo dhalinyarada ku jirta ciidamada xoogga dalka ee wax soo bartay si loo helo saraakiil aqoonyahano ah kana caafimaad qaba cudurka qabyaaladda ee soomalia halka ay maanta joogto dhigay.