Somali News Top News

Madaxweyne Farmaajo oo Dhammaan Darajooyinkii ka xayuubiyay Taliye K/Xigeenkii hore ee Nabad Sugidda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka dhigay dhammaan darajooyinkii ciidan, kana ruqseeyay hay’adda nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed keddib soojeedin ka timid Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Warqadda soojeedinta ah oo Madaxweynaha kasoo gaartay Xafiiska Agaasimaha Guud ee Hay’adda Mudane Xuseen Cismaan Xuseen ee loo cuskaday go’aankan ayaa lagu caddeeyay in sarkaalkan uusan kasii mid ahaan karin hay’adda iyada oo la tix raacayo go’aankii ay gaareen guddiga anshaxa.

“Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed waxaa laga dhigay dhammaan darajooyinkii ciidaan, isla markaana waxaa laga ruqseeyay hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaliyeed sababo la xiriira xadgudub sharciga ciidamada qalabka sida iyo xeer hoosaadka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.” Ayaa lagu sheegay wareegtada.

Xeerkan Madaxweyne ayaa dhaqan galay Sabti, 8da bishan Sebteembar, 2018 oo ah marka uu saxiixay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Related posts

TOP NEWS: Raiusl Wasaare Sharmaarke oo Kashifay Sir u qarsooneyd Madaxda Dowlada ka dib markuu ku dhawaaqay in…

admin

DFS Oo Bilaabaysa Dagaalka Ka Dhanka Al-shabaab Iyo Gobollada Qaar Oo..

admin

TOP NEWS: Dhageyso Yuusuf Daba-Geed oo Si Kulul Ula Hadlay Maamulka Puntland Muxuuse ugu baaqay????

Tifaftiraha K24