Madaxweyne Farmaajo Oo Baaq U Diray Shacabka Muqdisho

0

madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo)  oo ka hadlayay arrimaha ammaanka iyo howlgallada ka socda caasimadda ayaa baaq u diray shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka dalbaday shacabka in ay wada shaqeyn dhow la yeeshayaan hay’adaha ,amniga ay dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in amni waara lagu heli karo kaliya wada shaqeyn buuxda oo dhex marta dadka shacabka ah iyo Ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Hadalka madaxweynaha ayaa ku soo aadaya, xilli haatan ay socdaan howlgallo ballaaran oo lagu xaqiijinayo amniga magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.