Animation

Madaxweyne Farmaajo Kaga dayo Erdogan sida uu ula dagaalamo musuq maasuqa iyo habka uu xilalka u magacaabo

no responses
Sunday February 12, 2017 - 6:57 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Marka hore Mudane Madaxweyne Maxamed Cabdulahi Farmaajo waxaan kuu soo dirayaa salaan kal iyo laab ah marka xigana waxaan jeclaystay inaan kuu soo diro dhambaalkan furan oo xambaarsan talooyin aan is leeyahay waa kaabayaan ama ku anfacayaan waxaanan ku bilaabayaa sidan:

Mudane Madaxweyne Maxamed Cabdulahi Farmaajo xiligii aad Ra’iisal wasaaraha ka aheyd Soomaaliya waxyaabihii shacbiga soomaaliyeed aad kusoo jiidatey taageeradooda waxaa ka mid ahaa maamul wanaagaaga iyo xulashadaadii gole wasiiro oo tayo lahaa iyo sida aad u aheyd nin neceb oo la dagaalama musuq maasuqa sidoo kalena cadaalada u hiiliya iyadoo dhawr maalmood ka hor markii aad ku jirtey ololaha Madaxtinimada aad khudbadahaaga si weyn uga hadashey in hadii aad ku guuleysato xilka madaxweynaha soomaaliya aad cadaalada u hiilin doonto si adagna aad ula dagaalami doonto musuq maasuqa sidoo kalena Ra’iisal wasaare iyo gole wasiiro oo sumcad iyo karti leh ay ka koobnaan doonaan dawlada aad hogaaminayso waxaana kuu suura gashey oo Alle kugu guuleeyey inaad noqoto Madaxweynaha Soomaaliya.

Hadaba waxaan jeclaystay mudane Madaxweyne Farmaajo in aad kaga dayato Madaxweynaha Turkiga sida uu ula dagaalamo musuq maasuqa iyo habka uu soo xusho dadka uu u dhiibayo xilalka dawlada waxaana isagoo arimahaas ka hadlaya hada ka hor Madaxweynaha Dalka Turkiga Racep Tayyip Erdogan uu yiri sidan:

Maahi nin ogol musuq-maasuq nooc uu yahayba inuu ka dhaco aniga iyo dhammaan inta madaxda ah ee adeegayaasha shacabka ah. Kolka aan wasiir ama masuul magacaabayo waxaan eega sedex shey:

1- Ehel ma u yahay shaqada loo magacaabayo

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

2- Sumacdiisa iyo sooyaalkiisu ma yahay mid nadiif ah

3- Ma yahay mid shacab waynaha ka haysta kalsooni lagana jecelyahay bulshada uu la noolyahay.Waxa uu intaa raaciyay hadaan maqlo musuq maasuq ayaa jira waxaa igu waajib ah inaan sida ugu dhakhsaha badan uga jawaabo oo aan guto waajibka iga saaran kaas oo ah inaan maydkiisa aaso!
Madaxweyne Erdogan isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri ka waran hadii koox Muslim ah dhexdooda uu qof Islam ah ku dhinto maydkiisa miyey sugtaan mise waxa ku waajiba inay aasaan?! sidaaasi ay waajibka u tahay ayay iigu waajib tahay inaan aaso kan sameeyay shaygaas musuq maasuqa ee xun ” waayo waa mayd nool oo raba in nolosha lagu aaso”

Dhinaca kale Mudane Madaxweyne Farmaajo sida shacbiga soomaaliyeed badankiis ay ogyahiin dalkeena Soomaaliya 4-tii sanadood ee lasoo dhaafay musuq maasuqa ka jiray heerka caalamka kaalinta koowaad ayey ka gashey sida ku xusan warbixinn sanadeedka hay’ada Transparency International marka waxaan kugu boorinayaa sidii horey lagaaga bartayba inaad xididada u siibto musuq maasuqa iyo wax isdaba marinta.

Mudane Madaxweyne Maxamed Cabdulahi Farmaajo sida aad aragtey taageero aan xad laheyn ayey kuu muujiyeen shacbiga soomaaliyeed gudaha iyo dibadaba waxaana ay muujiyeen sida ay u yahiin ummad mideysan oo walaalo ah siyaasi maangaab ahna uu kala geeyey marka sii xooji oo ku dadaal dib u heshiin qaran iyo isu keenida iyo walaaleynta ummadda soomaaliyeed iyo inaad u naxariisato dhamaantood gaar ahaan kuwa jilacsan sidoo kalena isku wareeji oo ha kula shaqeeyaan la taliyeyaal wadaniyiin soomaaliyeed ah oo khibrad leh.

Mudane Madaxweyne Farmaajo waxyaabaha la yaabka leh ee ka dhaca Soomaaliya waxaa ka mid ah in nin aan awoodiisa iyo kartidiisa wax ku kasban baa si dhib yari ah jago uusan qalmin ku hela ka dib markuu helo mid dulmiga uu sameynayo ku garab gala! marka waxaan kaa codsanayaa in aad dhaqanka nuucaas ah aad la dagaalantid.

Mudane Madaxweyne Maxamed Cabdulahi Farmaajo waxaa lagaa rajeynayaa inaad soo magacawdo Ra’iisal wasaare Alle ka cabsi badan,wadani ah,ka fog musuq maasuqa iyo qabyaalad ku dhaqanka,karti badan oo hawl kar ah sidoo kalena aad uga taxadar kuwa iimaanka beelay ee kursiga ku waashey ee isaga kaa dhigaya in ay yahiin dad wanaagsan sidoo kalena feejignaan dheeri ah u yeelo daba dhilifyada ajnabiga u adeega iyo jawaasiistooda, ganacsatada xaaraan ku naaxa ah iyo kuwa lagu bartey jalaafeynta iyo duminta dawladaha soomaaliya ka dhisma.

Ugu dambeyntii Mudane Madaxweyne Farmaajo alle ha kuu fududeeyo xilka culus ee aad qaadey waxaanan kuu rajeynayaa inaad hor kacdo dawlad ay ku diirsadaan ummadda soomaaliyeed aadna u rumeyso riyooyinkooda wanaagsan Insha allah.

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.