Somali News

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo oo dalka dib ugu soo laabtay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa dalka dib ugu soo laabtay kaddib markii magaalada Addis ababa ee xarunta dalka Ethiopia ay uga qeyb galay Shir Madaxeedkii Urur Goboleedka IGAD.

Madaxweynaha iyo wafdiga la socday waxaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Xildhibaannada ka tirsan labada Gole ee dowladda, Wasiiro, cutubyo ka tirsan ciidanka qalabka sida iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galay Shir-Madaxeedka joogtada ah ee 13-aad ee IGAD ayaa soo dhaweeyey qorshaha dib u habaynta Urur Goboleedka IGAD oo ay isku raaceen Madaxda ka soo qeyb gashay meertadan.

Related posts

SAWIRRO: Gaadiid Gurmad U Sida Baladweyne Oo Maanta Laga Sagootiyay Gaalkacyo.

admin

Madaxweynaha Jubbaland oo soo xiray Barlamanka Jubbaland

admin

WARBIXIN: NATO & Mareykanka oo la dhacsan & Ujeedada ka dambeysa in la furo Saldhiga Turkiga Muqdisho

admin