Breaking News Somali News

Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdi uu Hogaaminaayo oo Hadda ka dhoofay Magaalada Muqdisho+Sawirro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka soomalia mudane maxamad c/llahi farmaajo iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa goordhaw ka ambabaxay garoonka diyaaraddaha aadan cadde ee magaalada muqdisho.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxa ay kusii jeedaan magaalada garoowe ee caasimadda dowlad goboleedka puntland.

Qaban qaabada soo dhaweynta madaxweynaha ayaa waxa ay si balaaran uga socota garoonka diyaaraddaha garoowe halkaasi oo ay ku suganyihiin mas’uuliyiin uu ugu horeeyo madaxweynaha dowlad goboleedka puntland c/wali maxamad cali gaas xubno labada gole ka socda,culimo waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee bulshada dowlad goboleedka puntland.

Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta, Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in safarka Madaxweynaha uu ku mari doono Puntland iyo Galmudug looga gol leeyahay in Madaxweynuhu uu u kuurgalo xaaladaha amni iyo nololeed ee gobollada Puntland iyo Galmudug.

Related posts

Wafdi balaaran oo u hogaaminayo Gen Diini oo garay Baardheere

admin

Daawo: Waddooyinka Magaalada Addis ababa oo lagu xardhay calanka quxoon ee soomalia

Tifaftiraha K24

Akhriso: Golaha Wasiirada oo Ansixiyay 14 Heshiis oo Soomalia iyo Turkiga ay galeen Intii u dhaxeysa 2013 Ilaa 2018-ka+Sawirro

admin