Arimaha Bulshada Maqaalo iyo Warar Somali News Top News

Madaxweyne Erdogan oo Su’aal culus hor dhigay xeer Ilaaliyaha dowlada Sacuudiga

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ka dalbaday dacwad oogaha guud ee Sacuudiga inuu baaritaan ku sameeyo ciddii bixisay amarka lagu dilo weriye Jamal Kaashogji.

Erdogan wuxuu sheegay in dacwad oogaha Sucuudiga laga doonayo inuu shaaca ka qaado ciddii soo dirtay 15-ka qof ee lagu tuhunsan yahay inay Jamal Khashogji ku dileen gudaha qunsuliyadda Sucuudiga uu ku leeyahay Istanbul.

Hadalka Madaxweynaha Turkiga ayaa imaanaya xilli dacwad oogaha guud ee Sacuudiga uu booqasho ku tegayo qunsuliyadda Sucuudiga uu ku leeyahay Istanbul.

Turkiga ayaa horey u sheegay in dilka Jamal khashogi uu ahaa mid la sii qorsheeyey, waxaana aad loo hadal hayaa in amarka dilka uu bixiyey dhaxal sugaha boqoryooyada Sacuudiga Maxamed bin Salman inkastoo sacuudigu uu beeniyey.

Related posts

Pakistan Oo loo Magacaabey Ra’iisul Wasaare cusub.

Ahmed sudani

TOP NEWS: Dhageyso Jubbaland oo Shaacisay in ay Diyaarisay Ciidamo gaar ah oo logu tala galay in alshabaab ay ka…

admin

DEG DEG: Dhageyso Wasiir Ka tirsan Maamulka Galmudug oo ku dhawaaqay in uu Is Casilay+Magaciisa iyo Sababta uu isku casilay

Tifaftiraha K24