Somali News

Madaxweyne Deni oo safar deg deg ah uga baxay Magaalada.

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Denni uu maanta kusii jeedo magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

Safarka Saciid Denni oo salka ku haya arimo kala duwan ayaa madaxweynuhu inta uu ku sugan yahay magaalada Nairobi waxa uu kulamo la qaadan doonaa madax kala duwan, isagoona ugu sii gudbi doona dalal kala duwan oo uu ku wajahan yahay safarkiisu.

Saciid Cabdullaahi Denni ayaa maalmihii ugu dambeeyey kulamo iyo shirar kala duwan kula lahaa magaalada Boosaaso madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maalintii shalay ahayd ka dhoofay magaalada Bosaaso, waxaana laga yaabaa in madaxweyne Denni uu safarkiisan ku gaadho dalka Imaaraadka Carabta si loo dhamaystiro heshiis u dhaxeeya labada dhinac.

Weli ma cada ujeedooyinka ku gadaaman safarka Denni hasa yeeshee waa mid aan hore loo shaacin, waxaana uu ka duuli doonaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso oo uu ka bilaaban doono safarkiisan oo uu ku marayo dalal badan oo caalamka ah.

Related posts

TOP NEWS: Dhageyso Maxaadan Ogeyn oo Saakay ka Cusub Magaalada Gakacyo iyadoo Ciidamo ka tirsan Kumaandoosta Soomaliya ay…..

Tifaftiraha K24

War Cusub: Sargaal Sare oo ka tirsan Nabad-sugida oo Muqdisho lagu toogtay Xili uu……

Tifaftiraha K24

SAWIRRO: Halkee ku Dambeysay Qalab loogu tala galay Dhismaha Wadada Hobyo oo ay soo dhiibeen Jaaliyadda Galmudug ee …..

Tifaftiraha K24