Somali News

Madaxweyne Deni oo diiday Xeer ay ansixiyeen labada Aqal ee Baarlamaanka federaalka.

Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdulaahi Deni ayaa si cad u sheegay in maamulkiisa uu kasoo horjeedo Xeerka iyo sharciga Batroolka oo ay ansixiyeen labada Aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in maamulkiisu qeyb ka aheyn xeerka batroolka ay ansixiyeen labada aqal ee Baarlamaanka federaalka, waxa uuna sheegay in hada kadib aysan ka aamusi karin qaladaad uu sheegay in ay socdaan.

Saciid Deni ayaa amaanay Xildhibaanada qalka sare ku matala Puntland uu sheegay in ay isaga baxeen shirka Xildhibaanada Aqalka sare ku ansixinayeen xeerkan kadib markii ay arkeen in la baal maray habraaca lagu ansixinayay xeerkaas sida uu tilmaamay.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in loo baahan yahay in wadatashi dhab ah laga yeesho sharciyada masiiriga ah sida dastuurka dhigayo, waxa uuna cadeeyay in shirkii Dowlada federaalka iyo maamul goboleedyada u bur buray wadatashi la’aanta.

Maamulka Puntland ayaan ku qanacsaneyn xeerka Sharciga batroolka ay ansixiyeen labada aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, lamana oga diidmada Puntland saameynta ay ku yeelan karto xeerkan la ansixiyay.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Cumar oo ka furay Cadaado wajigii labaad ee shirka Maamul u samaynta Gobolada Dhexe “SAWIRRO”

admin

War Cusub: Maxaadan Ogeyn oo Beesha Caalamka ay ka tiri Dhismaha Maamulka Hirshabeele iyo Madaxda Cusub ee loo doortay????

Tifaftiraha K24

TOP NEWS: Akhriso Xubno Cusub oo lagu soo kordhiyay Aqalka Sarre ee la dhisi doono Xili Markii Hore uu ahaa …..

Tifaftiraha K24