Animation

Madaxweyne C/weli Gaas oo Maanta Garowe ka Furay madasha wadashatiga qaran doorashooyinka Soomaaliya sanadka 2016 (Sawiro)

no responses
Monday November 16, 2015 - 9:49 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Madaxweynaha dowlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta xarunta barlamaanka Puntland ee Garowe ku daah furay madasha wadashatiga qaran ee geeddi socodka doorashooyinka madaxtinimo ee Soomaaliya sanadka 2016.

Wadatashigaan qaran oo maanta ka bilowday lix degmo oo katirsan Puntland ayaa lag qeyb galiyay 600 argooyin ah oo lagasoo xulay dhamaan gobolada Puntland, waxayna ka kooban qeybaha bulshada.

Guddiga wadatashiga heerka qaran ee Puntland uga wakiilka ah dowladda federalka Soomaaliya ayaa sheegay wadatashigaan inuu ku saleysan yahay sidii Puntland iyo shacabkeeda oo isku duuban ugudbin lahaayeen nuuca doorasho oo ay doonayaan 2016.

Wasiirka deegaanka Puntland ahna gudoomiyaha guddiga Puntland umatalaya madasha xeerka qaran ee Soomaaliya Cali Cabdullaahi Warsame ayaa sheegay wadashigaan inuu dabo socdo shirar horey uga dhacay Muqdisho oo looga arrinsayay nuuca doorasho ee 2016, kadib markii dowladda federalku ku fashilantay inay ka dhabeyso balanqaadkeedii ahaa doorasho dadweyn.

Wasiirka deegaanka ayaa sheegay Ergadaan la casuumy in la isugu keenay sidii ay uga tashan lahaayeen nuuca doorasho oo ay Puntland la hortagayso madasha heerka qaran ee Soomaaliya, wuxuuna balanqaaday midkii ay doortaan ergadu inay la hortagidoonaan Soomaaliya.

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa ku booriyay eragada lagu casuumay wadatashiga inay si qoto dheer uag doodaan, wuxuuna intaas kun daray ergadu leeyihiin go’aanka masiirka Puntland ee ay la horagayaan Soomaaliya.

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sheega puntland inay iskutashatay oo ay ergadeeda isku keentay, taasoo jawaab u ah qorshaha ay damacsanaayeen UNKa iyo Dowladda Xamar oo ahaa in Puntland lala meel dhigo maamulada kale ee ka jira dalka oo qaarkood aan sharciyad ku dhisnayn, wuxuuna u sheegay Puntland inay haysato dhaqaale ku filanto inay aragti kasoo aruuriso dadweynaha ku dhaqan dhulkeedaDSC06598

DSC06649

DSC06648

DSC06646

DSC06643

DSC06639

DSC06636

DSC06622

DSC06619

DSC06618

DSC06613

DSC06610

DSC06607

DSC06606

DSC06605

DSC06603

DSC06602

DSC06601

DSC06599

Facebook Comments