Madaxweyne Cagjar Oo Hal Arin Kaga Fiicnaaday Madaxda Maamul Gobolleedyada Dalka

0

Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Mustaf Maxamed Cumar ayaa waxa uu kaga fiicnaaday Madaxda Soomaalida Hal Arin oo sida dayax 15 jooga oo kale u muuqda.

Cagjar waxa uu sheegay inuu ka xumaaday Dadka Walaalaha ah ee isku laayey dhawaan Deegaanka Dhumay Ee Gobolka Sool.

Waxay Cambaareynta iyo Damqashada kala simnaayeen Farmaajo iyo madaxda Dawlad Gobolleedyada Dalka ka jira.

Balse waxa uu kaga hormaray laguna amaanay inuu deeq gaarsiiyey dadkii ku dhibaatoobay dagaalkii dhacay bishii hore dhamaadkeeda duleedka Magaalada Laas caanood.

Gaadiid waday Deeqdaan ayaa ka yimid Jig jiga kuwaas oo gaaray Laas caanood.