Madaxweyne Axmad Madoobe oo Markii ugu horeysay Xiisadda ka taagan Beled-xaawo Muxuuse ka yiri in….

0

Madaxweynaha Maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ka hadlay xiisada ka taagan degmada Beledxaawo, gaar ahaan dhul boobka ay Kenya ka wado ee la xiriira dhismaha Darbiga weyn ay ka dhiseyso.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in arrinta xuduuda ay tahay mid muddo dheer soo socotay, isla markaana soo martay heerar kala duwan, waxaana uu tilmaamay in dhowaan ay ka wada hadli doonaan Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya.

“Soomaaliya iyo Kenya xuduud aad u dheer ayay leeyihiin, laba Guddi ayaa loo diray xilligii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, si ay u soo xaqiijiyaan waxa jira, hadana guddi kale ayaa la diray oo Dowladdan ka tirsan, waxaa hada la wada sugayaa in labada Madaxweyne ay isu tagaan, go’aan siyaasadeedna laga gaaro”ayuu yiri Axmed Madoobe.

Shacabka ku nool Beledxaawo ayaa ku eedeeyay maamulka Jubbaland inay la safteen ciidamada Kenya ee sameynayay dhul boobka iyo gododka ay ka qodayeen gudaha Beledxaawo, markii ciidankooda ay gudaha u soo galeen.

Dadka reer Beledxaawo ayaa sheegay in markii ay isku dayeen inay ka hortagaan oo ay aasaan gododkii ay qodeen ay Ciidamada kala eryeen.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu dhaliilay in aanay wali arrintan wax ka qaban, waxaana Golaha Aqalka sare ay u yeereen Afar ka mid ah Wasiirada ay quseyso xaalada ka taagan Beledxaawo.