Madaxweynaha Sidee Xilka looga Qaadi Karaa? Qodobo Dastuuri ah

0

Wax Sahlan Ma ahan In xil ka qaadis lagu sameeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda waxaana horyaala Shuruudo Adag.

Xil-ka-qaadidda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa soo jeedin kara Golaha Shacabka marka lagu eedeeyo khiyaano-qaran, xadgudub culus oo Dastuuri ah ama ku-xad-gudub sharciyada kale ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

(2) Hindisaha xilka-qaadista Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka waxaa golaha horkeeni kara ugu yaraan saddex dalool hal dalool (1/3) xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka,

Madaxweynaha waxaa xilka ka qaadi kara 3 meelood 2 meel oo Labada Aqal ah.