Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping oo ka qaybgalay dhoolatus ballaaran ay badda Koonfurta Shiinaha ku sameeyeen ciidammada badda

0

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa ka qaybgalay dhoolatus ballaaran oo ay badda Koonfurta Shiinaha ku sameeyeen ciidammada badda.

Isaga oo ka hadlaya goob aan la shaacinin ayuu Xi sheegay “in aysana soo marin maalin looga baahi badan yahay” ciidammo bad oo awood badan.

In kabadan toban kun oo ciidammada badda ah, 76 diyaaradaha dagaalka ah iyo 48 markab oo kuwa dagaalka ah ayaa ka qayb qaatay dhoolatuska.

Dalal badan ayaa sheegta qaybo ka mid ah Koonfurta badda Shiinaha ee khayraadka badan leh, balse sannadahan dambe Shiinaha ayaa carrabka ku adkeeya sheegashadiisa.

Dhoola tuska ciidammada badda ayay warbaahinta dalkaasi ku tilmaantay midkii ugu waynaa ee noociisa ah, wuxuuna ka soo hor maray dhoola tuska kale ee milatari ee la qorshaynayo in uu Shiinuhu ka sameeyo marinka dhuuban ee kala qaybiya Taiwan, kaas

Muuqaal laga baahiyay telefishinka dawladda Shiinaha ayaa muujiyay hogaamiyaha dalkaas oo khudbad u jeedinaya ciidammada badda isaga oo saran Markab kuwa wax burburiya ah oo daawanaya diyaarado ka kacaya markabka diyaaradaha xambaara ee dalkaas.

Shiinaha ayaa leh ciidammada ugu badan ee adduunka wuxuuna wadaa qorshe uu ku ballaarinayo awoodda ciidammada badda, wuxuuna si joogto ah u sii xoojiya awooddiisa difaaca.

Laakiin waxaa jirta xiisad ka taagan lahaanshaha qaybo ka mid ah badda Koonfurta Shiinaha, dalalka isku hayana waxaa ka mid ah Shiinaha, Vietnam iyo Philippines.