Animation

Madaxweynaha Puntland oo Xariga ka jaray Daadejinta adeega Wadooyinka Puntland (Sawiro)

no responses
Wednesday November 11, 2015 - 5:16 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 11-11-2015 si rasmi ah xariga uga jaray mashruuca daadejinta adeegga wadooyinka Puntland .

Ugu horeyn madaxweynuhu waxaa uu xariga kajaray aargo iyo dhisme masaajid oo Wasaaradda Howlaha guud iyo gaadiidka Puntland ku dhisatay Barnaamijka isku tashiga Puntland .

Intaas kadib ayaa Madaxweyne Gaas waxaa uu hoolka shirarka ee wasaaradda howlaha guud iyo gaadiidka Puntland ku daahfuray mashruuca daadejinta adeegga wadooyinka Puntland , oo ah mashruuc horumarineed laguna bilaabayo degmooyinka Garoowe iyo Qardho.

” Hadii aan lahelin wado fiican ama aan la dayactirin wadooyinkii hore wax horumr ah oo la gaarayo majirto, kaabayaasha dhaqaalaha aan sheegayana kama soo harto jid , ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale bogaadiyey daahfurka mashruucaan , waxaana uu sheegay inuu rajeynayo in degmooyinka kale ee Puntland laga fuliyo si adeegga bulshada si siman dalka u gaaro .

” Mahaariicdaan ay hay’aduhu fulinayaan waa wakhti kooban , marka waxaa larabaa inaynu qorshe sameysano , qorshahaasina waxaa uu noqonayaa inaynu isku tashano ” Ayuu hadalkiisa sii raaciyey Madaxweynuhu.

Gudoomiyaasha Degmooyinka Garoowe iyo Qardho ayaa madaxweynaha hortiisa ku saxiixay mashruucaan oo ay iska kaashanaayaan fulintiisa Dawladda Puntland iyo Barnaamijka JPLG .IMG_6678 IMG_6689 IMG_6695 IMG_6707 IMG_6714 IMG_6729 IMG_6750 IMG_6768 IMG_6778 IMG_6801 IMG_6815 IMG_66551 IMG_66571 IMG_66591