Animation

Madaxweynaha Puntland oo lagu cadaadinayo in uu tago Gaalkacyo

no responses
Monday November 30, 2015 - 7:26 under Somali News by admin
mqdefault
Spread the love

Warar lagu kalsoonahay ayaa sheegaya in Madaxda Federalka oo uu kamid yahay Raisulwasare Sharmarke ayaa ka dalbadeen Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas in uu yimaado Magaalada Gaalkacyo oo maanta gelin dambe ay ka dageen isaga iyo xubno ay kamid yihiin Madaxweynaha Koonfur galbeed si xal looga gaaro Coladda cusub.

Xubnaha Dowladda Federalka ee jooga Gaalkacyo oo ay ku wehliyaan Magaaladas Wasiiro ka tirsan Puntland ayaa kulamo la leh waxgaradka Gobalka gaar ahan dhinacyada ay khusayso xaaladda taagan.

Dadaalka ay waddo dowladda Federalka ayaa waxaa qayb ka ah in ay isa soo horfariisayan Madaxweynayasha Galmudug iyo Puntland taaso Madaxweynaha Puntland uu ka goos qabsanayo, waxaana suuragal ah in Raisulwasare Sharmarke uu gaaro garoowe haddi Madaxweynaha Puntland ku sii adysto go’ankiisi hore si uu ugu qanciyo in uu aqbalo wada hadalada ka fool ka foolka ah.

Madaxweynaha Puntland ayaa horay u sheegay in Puntland aysan gorgortan ka galeen Dhulkeeda Waqooyiga Mudug xili kulan uu Raisulwasare Sharmarke garoowe kula yeeshay.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa sacadihi ugu dambeeyy isaga iyo wafdigiisa waxa ay kulan la qateen Madaxweynaha Puntland taaso ku aadan in xal waara laga gaaro coladda Gaalkacyo isla markana la saxo arrimaha abuuray Colaaddan.

Facebook Comments