Animation

Madaxweynaha oo Fariin u diray Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

no responses
Monday September 7, 2015 - 8:22 under Somali News by admin
mqdefault

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlayay Ciidan ka tirsan Booliska Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay Ciidamada Booliska in ay Dhagaha ka Fureystaan dadka daba ordaya Danbileyaasha la qabto iyaga oo danbi galay.

“Ciidamada Booliska waa in ay Ilaaliyaan Sharciga,waa in aysan ka baqani Qofkii Danbi gala xitaa hadii uu yahay Xildhibaan,Wasiir,Mas’uul ka shaqeeya Xafiiska Madaxtooyada Ama kan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya”ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kula dar daarmay Ciidanka in Qofkii Danbi lagu qabto ay u gudbiyaan Garsoorka si loogu qaado danbigiisa.