Madaxweynaha maxmadda caddaalada adduunka Cabdiqawi oo Markii ugu horeysay Ka Hadlay Dacwada Badda Somalia iyo Kenya

no responses
Thursday February 15, 2018 - 6:30 under Somali News by admin
mqdefault
Spread the love

Madaxweynaha dhawaanta loo doortay maxmadda caddaalada adduunka ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dacwada la xiriirta muranka badda ee u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya.

Wareysi uu siiyay laanta afka soomaaliga ee BBCda ayuu ku sheegay inaysan dhalashada xaakimka iyo ka qeybgalkiisa dacwooyinka aysan shaqo isku lahayn xaakimada maxkamaddana ay ka qeybgali karaan dacwadaha oo idil xukun iyo go’aan ka gaaraan.

“Dhalashada xaakimka iyo ka qeybgalkiisa dacwooyinka shaqo iskuma lahan, xaakimada maxkamadda waxaa loo doortaa in dacwooyinka yimaada oo idil uu xukun iyo go’aan ka gaaro , marka sidaasi daraadeed dacwad kasta xaakimadda waa ay ka qeybgalaan”.

Wuxuu intaasi ku daray “mana ahan haddii xaakimkan waddankiisu dacwad keeno in uu dacwadaasi isaga ka boxo haddaysan jirin sabab gaar ah sida in uu isaga wax kasoo abaabulay dacwada”.

Garsoore Cabdiqawi oo ah qofkii Soomaali ah oo ugu horeeyay oo heerkaas ka gaaray nidaamka garsoorka adduunka ayaa sidoo kale sheegay in uu jecelyahay in aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa uu uga faa’iideeyo dalka Soomaaliya, haddii duruufaha u ogolaadaan.

Cabdiqawi Axmed Yuusuf ayaa ka baxay jaamacaddii ummadda ee Soomaaliya, isaga oo noqday 10kii macalin ee ugu horeeyey ee loo tabobaray in ay bareyaal ka noqdaan jaamacadda, si ay u badalaan macalimiin talyaani ah oo jaamacadda dhigayay.

Mar uu ka hadlayay falcelinta ay dadka Soomaaliyeed ka sameeyeen magacaabistiisa xilka ugu sareeya ee maxkamadda adduunka ayuu sheegay in isaga kaliya aysan taas guul u ahayn, balse u tahay magaca Soomaaliyeed oo dhan.

Facebook Comments