Animation

Madaxweynaha Mareykanka oo Aqalka Cad ku qaabilay Ra’iisal Wasaaraha Israel (SAWIRRO)

no responses
Tuesday November 10, 2015 - 10:04 under Maqaalo iyo Warar by admin
mqdefault

 

Madaxweynaha Mareykanka, Barack Hussein Obama, ayaa wuxuu Aqalka Cad Ee Magaalada Washington uu si diiran ugu qaabilay Ra’iisal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu oo booqasho ku joogga Xarunta Mareykanka.

Labada dhinac, ayaa Isniintii yeeshay kulankoodii ugu horeeyay oo fool ka fool ah, tan iyo markii sanadkii hore uu xumaaday xiriirkooda shakhsi ahaaneyd, xilli Mareykanka uu dhabaha u xaaraayay heshiiskii billo ka hor ay wadamada quwadaha waaweyn la saxiixdeen Iran.

Waxay ka wada hadlaan xal u helidda xiisadda u dhaxeyso Falastiin iyo Israel iyo barnaamijka nuclear-ka Iran. Waxay kaloo ka wada hadleen Afhayeenka cusub ee Ra’iisal Wasaaraha Israel oo lagu magacaabo Ran Baratz, oo barraha bulshada ku aflagaadeeyay Madaxweynaha Mareykanka iyo Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, John Kerry.

Madaxweynaha Mareykanka, ayaa Saxaafadda u sheegay in labada hogaamiye ay raadinayan xal ku aadan waxa uu ugu yeeray dhulka caadiga ah, iyagoona iskaashi ka wada yeelan doono, sidii meesha looga saari lahaa khataraha jira, oo ay ugu horeyso Daacish.

Madaxweynaha, ayaa cadeeyay in Ra’iisal Wasaaraha Israel ay isu khilaafeen arrinta ku aadan nuclear-ka Iran, balse ay isu aragti ka yihiin in nuclear-ka Iran aanu halis ku noqon jiritaanka Israel.

Ra’iisal Wasaaraha Israel, ayaa ku celcelinaaya in nuclear-ka Iran uu noqon doono mid khatar ku ah Israel iyo Mareykankaba, sida uu yiri.

“Waxaan u maleynaynaa tani maaha mid halis ku ah Israel oo keliya, waxaan u maleynaynaa waxay kaloo khatar ku tahay idinka.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Benjamin Netanyahu.

“Ma u maleynaayo in qof uu shaki ka qabi doono in Israel si shakhsiyan isaga difaaceyso argagaxisada iyo in la burburiyo. Midna shaki kama qabo in Israel ay rabto nabadgelyo dhab ah oo jaarkeydu ay la gaarto.” Ayuu sii raaciyay Netanyahu.

Mar Netanyahu uu ka hadlaayay xiisadda kala dhaxeyso Falastiin, ayaa cadeeyay in xalku uu u muuqdo in la helo laba dal oo Israel iyo Falastiin ah.

ObamaBarack ObamaObama2Obama3Obama4US-ISRAEL-DIPLOMACY-OBAMA-NETANYAHUBarack Obama, Benjamin NetanyahuBarack Obama, Benjamin NetanyahuObama8

kismaayo24.com

abdi kafi abdi abdulle