Somali News

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Oo Kulan La Qaatay Madaxda Xisbiyada Mucaaradka

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo uu wehelinaayo madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta qasriga Madaxtooyada kulan kula qaatay guddoomiyeyaasha xisbiyada mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI, Mudane Faysal Cali Waraabe iyo Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waxana kulankaas lagaga wada hadlay arrimo badan oo la xidhiidha xaaladda guud ee dalka.

Kulanka madaxweynaha iyo guddoomiyeyaasha xisbiyada UCID iyo WADDANI aya waxaa  laga soo saaray qodobo, kuwaasi oo u qoran sida:

1-In si wada jira ay hoggaanka axsaabta qaranku uga wada shaqeeyaan waqtiga ugu suurta galsan ee doorashadu ku qabsoomi karto.

2-In sadexda xisbi qaran ka hawl galaan dhammaystirka caqabadaha ku gedaaman qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka.

3-In si wada jira sadexda xisbi qaran u guda-galaan soo jeedintii odayaasha ee arrimaha doorashada.

Madaxweynaha iyo guddoomiyayaasha xisbiyada mucaaridku waxay kulankooda iskula garteen inay wada-tashi kula noqdaan xisbiyadooda, iyaga oo u ballamay kulammo dambe oo arrimaha lagu sii gorfayn doono.

Related posts

War Hada: Maxay tahay Sababta John kerry uu Kenya u Imaanayo Maxaase Iska quseeya Socdaalkiisa kenya iyo Doorashada Soomaliya???

Tifaftiraha K24

Akhriso: War-murtiyadeed 15-qodob ka kooban oo laga soo saaray shirweynaha qaran ee wada-tshiga isgaarsiinta iyo….

Tifaftiraha K24

Daawo: Ra’isul wasaare kheyre oo maanta qabtay shaqadii ugu badneyd abid kadib markii uu….

Tifaftiraha K24