Madaxweynaha Maamulka Puntland oo kuwajahan Magaalo tagisteeda Muranweyn kataaganyahey.

0

Sidoo kale Saciid Deni ayaa xalay iska diiday dalab uga yimid dowladda Federaalka Soomaaliya oo ahaa inuu ka baaqdo Xaflada Caleemo-saarka Axmed Madoobe oo dhawaan lagu wado inay ka dhacdo Magaalada Kismaayo.

Ilo ku dhow Madaxweynaha Puntland aya xaqiijiyay in Maanta uu u safrayo Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG u ah maamulka Jubbaland.

Maanta oo Arbaco ah ayuu qorshahu ahaa in Kismaayo uu ka dhaco Caleemo-saarka Madaxweynaha Jubbaland,hayeeshee waxaa la shaaciyay in Xaflada ay dhici doonto Markii ay soo dhameystirmaan wafuuda ka qeyb galeysa Caleema saarka.