Madaxweynaha Maamulka Puntland oo kuwajahan Dalka Imaaraatka iyo ujeedkaSafarkisa.

0

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa goor dhaw ka dhoofaya magaalada Garoowe, isagoo kusii jeeda dalka Imaaraatka Carabta, waana safarkisii ugu horeeyey tan iyo markii uu xilkan qabtay sadex bilood kahor.

Madaxweynaha Puntland ayaa safarkiisan uu ahaa mid lahadal-hayay maalmihii u dambeeyey, waxaana uu qaadan doonaa ku dhawaad 7 maalmood, sidda ay sheegayaan wararka laga helayo Madaxtooyada.

Mr. Deni waxay u tahay safarkiisii koowaad ee Imaaraatka Carabta isagoo Madaxweyne ah, waxaana aad isha loogu hayaa habka ay xukuumaddu ula hadasho shirkada DP WORLD oo gacanta kuhaysa marsada Boosaaso.

Warar hoose ayaa sheegaya in uu Madaxweynaha Puntland casumaad rasmi ah jahaysto dawladda Imaaraatka Carabta iyo Shirkada DPWorld, sidda ay igaatay Puntlandtimes.