Animation

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo ka Bad Baday Weraar ismidaamin ah

no responses
Wednesday November 11, 2015 - 4:56 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka kusoo dhacaya Warqabadka Warbaahinta Caalamiga ah ee Kismaayo24 ayaa shegaya in Lagu qaaday Weraar ismidaamin ah Kolonyo uu lasocday Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed shariif Xasan .

 

Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa booqasho ku tegey degmada Afgooye hase yeeshee gelinkii dambe ee maanta isagoo soo maraya deegaanka Carbiska ayaa lagu qaaday weerar ismiidaamin ah, hase yeeshee wararka ayaa sheegaya in uu ka badbaaday Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Hase yeeshee weerarkan ismiidaaminta ah ayaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray qaar kamid ah wafdigii la socday Madaxweynaha.

Waa markii labaad ee weerar ismiidaamin ah lagu qaado madaxweyne Shariif Xasan Shiikh Madaxweynaha Koofur Galbeed isagoo maraya inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye.